Free information, support and referrals for women

Somali

Waa maxay WIRE?

Waa Women’s Information and Referral Exchange oo la soo gaabiyey (loona yaqaan WIRE) waana urur ay hawshiisa wadaan dumar una wadaan dumarka reer Fiktooriya. WIRE waxay bixisaa macluumaad lacag la’aana, qarsoodi ah iyo xawilaad laguugu gudbinayo dumar khadka telefoonka, email iyo xarunta Macluumaadka Dumarka ee ku taalla xarunta magaalada Melbourne.

Dumar da’ walba ah ayaa kala xiriiri kara WIRE arrin kasta, ama ha weynaato ama ha yaraatee. Waxaan kuu heli karnaa dhakhtar dumar ah, garyaqaano ama lataliyayaal. Waxaanu kaloo kaa caawin karaa helida adeegyada samaqabka iyo bulshada laga yaabo inaad u baahan tahay sida xarumaha caafimaadka bulshada, adeegyada gurisiinta iyo adeegyada shaqaalaynta.

Wicida WIRE

Wac 1300 134 130 inta u dhexaysa 9subaxii ilaa 5galabtii laga bilaabo Isniinta ilaa Jimcaha qiimuhuna waa kan halkaad joogto meel kasta oo Fiktooriya ka tirsan (lacagta caadiga ah ayaa la iska qaadaa moobaylka).

Waxaa la heli karaa turjubaano

Haddii aad jeclaan lahayd inaad la hadasho WIRE adoo afkaaga ku hadlaya waxaan isticmaalaa Adeega Tarjumida Telefoonka. Markaad wacdo weydiiso turjubaan. Waxaan qaadan doonaa nambarkaaga dib ayaana kaa soo wici doonaa markaan hello qof ku hadla afkaaga si uu noogu tarjumo.

Maxaad kala hadli kartaa WIRE?

  • Dhibaatooyinka guriga
  • Caafimaadka iyo samaqabka
  • Sida lagu helo talo caafimaad
  • Helida shaqo, tababar iyo xal waxbarasho, bilaabida ganacsi
  • Helida meel aad ku noolaato
  • Dhibaatooyin la xiriira lacag
  • Dhibaatooyin la xiriira dugsiga
  • Dhibaatooyin la xiriira shaqada
  • Door fiican ka qaadashada bulshada
  • Wax kasta oo kale

WIRE waa halkaad wax ka bilaabayso, iyada oo aan ku xirnayn waxaad raadinayso.

Maxaa dhacaya markaad la hadasho WIRE?

Waxaad la hadli doontaa qof xirfad leh, dareemi kara kuna kaalmaynaya oo dumar kaas oo ilaalin doona barayfasigaaga. Maaha inaad noo sheegto magacaaga. Shaqaalahayaga khadka ku jiraa waxay leeyihiin tabaruciin aad u kala duwan oo leh khibrad, kana yimid wadamo aad u kala duwan kuwaas oo dhamaystay tababaro muhiima.

Booqashada Xarunta Macluumaadka Dumarka

Uma baahnid inaad ballan samaysato, iska imaw keliya:

  • Kaalmo qof toos kuula shaqaynayo, macluumaad iyo xawilid
  • Macluumaad ku saabsan mawduucyo khuseeya xuquuqda sharciga iyo caafimaadka
  • Kumbuyuutaro lacag la’aana kuwaas oo leh internet iyo aallada wax daabacda
  • Xiisada lacag la’aana oo aad ku barato kumbuyuutarka iyo Naadiga Shaqada (Job Club)
  • Kaalmada raadinta shaqo, ku noqoshada wax barashada, ama wax ka raadinta internet
  • Meel fadhi wanaagsan oo lagu nasto, quudinta ilmaha, ama la sheekaysi

Goobta

372 Spencer Street West Melbourne (inta u dhexaysa Jeffcott Street iyo Spencer Street)

Saacadaha aan furanahay

9.30subaxii – 4.30galabtii Isniinta ilaa Jimcaha

Email WIRE

Waxaad noo soo diri kartaa email Ingiriis ku qoran oo aad ku weydiisanayso macluumaad kuna soo dir inforequests@wire.org.au

Booqo websaytkayaga

Gal www.wire.org.au si aad u hesho macluumaad, ka ogow siminaarada WIRE ay qabato oo taxanaha ah kana hel meella muhiima oo aad la xiriiri karto.

Share this …Tweet about this on TwitterShare on FacebookShare on Google+Share on LinkedInEmail this to someonePrint this page
This page was last updated on Friday, September 6, 2013.
Phone 1300 134 130 Drop in service Email WIRE