Wire Logo Talk things through women to women with wire
About WIRE
Picture of WIRE Worker

Waa maxay WIRE?

 

Waa Women’s Information and Referral Exchange oo la soo gaabiyey (loona yaqaan WIRE) waana urur ay hawshiisa wadaan dumar una wadaan dumarka reer Fiktooriya. WIRE waxay bixisaa macluumaad lacag la’aana, qarsoodi ah iyo xawilaad laguugu gudbinayo dumar khadka telefoonka, email iyo xarunta Macluumaadka Dumarka ee ku taalla xarunta magaalada Melbourne.

 

Dumar da’ walba ah ayaa kala xiriiri kara WIRE arrin kasta, ama ha weynaato ama ha yaraatee. Waxaan kuu heli karnaa dhakhtar dumar ah, garyaqaano ama lataliyayaal. Waxaanu kaloo kaa caawin karaa helida adeegyada samaqabka iyo bulshada laga yaabo inaad u baahan tahay sida xarumaha caafimaadka bulshada, adeegyada gurisiinta iyo adeegyada shaqaalaynta.

 

Wicida WIRE

Wac 1300 134 130 inta u dhexaysa 9subaxii ilaa 5galabtii laga bilaabo Isniinta ilaa Jimcaha qiimuhuna waa kan halkaad joogto meel kasta oo Fiktooriya ka tirsan (lacagta caadiga ah ayaa la iska qaadaa moobaylka).

 

Wac 13 36 77 TTY National Relay Service haddii aad qabto dhibaato la xiriirta maqalka.

 

Waxaa la heli karaa turjubaano

Haddii aad jeclaan lahayd inaad la hadasho WIRE adoo afkaaga ku hadlaya waxaan isticmaalaa Adeega Tarjumida Telefoonka. Markaad wacdo weydiiso turjubaan. Waxaan qaadan doonaa nambarkaaga dib ayaana kaa soo wici doonaa markaan hello qof ku hadla afkaaga si uu noogu tarjumo.

 

Maxaad kala hadli kartaa WIRE?

·        Dhibaatooyinka guriga

·        Caafimaadka iyo samaqabka

·        Sida lagu helo talo caafimaad

·        Helida shaqo, tababar iyo xal waxbarasho, bilaabida ganacsi

·        Helida meel aad ku noolaato

·        Dhibaatooyin la xiriira lacag

·        Dhibaatooyin la xiriira dugsiga

·        Dhibaatooyin la xiriira shaqada

·        Door fiican ka qaadashada bulshada

·        Wax kasta oo kale

 

WIRE waa halkaad wax ka bilaabayso, iyada oo aan ku xirnayn waxaad raadinayso.

 

Maxaa dhacaya markaad la hadasho WIRE?

Waxaad la hadli doontaa qof xirfad leh, dareemi kara kuna kaalmaynaya oo dumar kaas oo ilaalin doona barayfasigaaga. Maaha inaad noo sheegto magacaaga. Shaqaalahayaga khadka ku jiraa waxay leeyihiin tabaruciin aad u kala duwan oo leh khibrad, kana yimid wadamo aad u kala duwan kuwaas oo dhamaystay tababaro muhiima.

 

Booqashada Xarunta Macluumaadka Dumarka

Uma baahnid inaad ballan samaysato, iska imaw keliya:

·        Kaalmo qof toos kuula shaqaynayo, macluumaad iyo xawilid

·        Macluumaad ku saabsan mawduucyo khuseeya xuquuqda sharciga iyo caafimaadka

·        Kumbuyuutaro lacag la’aana kuwaas oo leh internet iyo aallada wax daabacda

·        Xiisada lacag la’aana oo aad ku barato kumbuyuutarka iyo Naadiga Shaqada (Job Club)

·        Kaalmada raadinta shaqo, ku noqoshada wax barashada, ama wax ka raadinta internet

·        Meel fadhi wanaagsan oo lagu nasto, quudinta ilmaha, ama la sheekaysi

 

Goobta

Dabaqa dhulka ah, Queen Victoria Women’s Centre

210 Lonsdale Street Melbourne (inta u dhexaysa Swanston Street iyo Russell Street)

 

Saacadaha aan furanahay

10.30subaxii - 5.00galabtii Isniinta ilaa Jimcaha

 

Email WIRE

Waxaad noo soo diri kartaa email Ingiriis ku qoran oo aad ku weydiisanayso macluumaad kuna soo dir inforequests@wire.org.au

 

Booqo websaytkayaga

Gal www.wire.org.au si aad u hesho macluumaad, ka ogow siminaarada WIRE ay qabato oo taxanaha ah kana hel meella muhiima oo aad la xiriiri karto.



Wire Home | Contact Us | Privacy | Disclaimer
Phone Support 1300 134 130 9-5 Mon-Fri | Copyright © 2009 WIRE
Page updated 12 October 2009